Xog: DF oo diidan qorshe ay QM ugu dhowaaqeyso inay Soomaaliya gashay xaalad…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha QM ayaa isku khilaafsan in lagu dhowaaqo in Soomaaliya ay gashay xaalad macluul ah, sababo la xiriira abaaraha ka jira dalka, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in QM ay ku cadaadineyso dowladda inay ogolaato in lagu dhowaaqo in Soomaaliya ay ka jirto macluul, balse taasi waxaa diidan madaxda dowladda federaalka oo sheegaya in xaaladda abaarta aysan gaarin heer macluul.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta madaxtooyada kula kulmay ku-xigeenka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Arrimaha Bani’aadamnimada iyo Gargaarka Degdegga ah OCHA Mudane Martin Griffiths. 

Madaxweyne Xasan ayaa la wadaagay Martin Griffiths qorsheyaasha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan wax ka qabashada arrimaha bani’aadamnimada ee ka dhashay saameynta abaaraha ka jira dalkeenna iyo qeybo ka mid ah gobolka Geeska Afrika, taas oo u baahan in si wadajirka ah la isaga kaashado heer dowladeed iyo heer caalam intaba. 

Caasimada Online ayaa xog gaar ah ku heshay in arrimaha looga hadlay kulanka iyo sababaha uu Martin u yimid Muqdisho ay tahay in dowladda laga dhaadhiciyo inay aqbasho in lagu dhowaaqo macluul.

Dowladda ayaa ku adkeysaneysa inaysan dalka macluul ka jirin balse ay jirto abaar darran.

Waxaa macluul lagu dhowaaqi karaa marka ay dhacdo in dadku ay si saf mareen ama toban tobaneeyo ay u dhimanayaan, taasi oo aan weli ka dhicin Soomaaliya xilligan, inkasta oo ay jiraan dad yar oo abaarta u dhintay. 

Caasimada Online ayaa ogaatay in qorshaha hay’adaha caalamiga uu yahay in haddii macluul lagu dhowaaqo ay balaayin dollar ku heli karaan magaca Soomaaliya, ayada oo xaqiiqda ay tahay in xitaa 10% gargaarka lagu soo qaato magaca Soomaaliya uusan soo gaarin Soomaaliya, oo hay’adaha uusan soo dhaafin.

Sidoo kale, aragtida dowladda federaalka waxaa la qaba hay’adaha Islaamiga ah iyo kuwa Carabta ee dalka ka howlgala, oo sheegay inaysan macluul kusoo arag Soomaaliya balse ay jirto abaar xooggan. 

Cabsida jirta ayaa ah in haddii la waayo roobabka bisha October ay xaaladda isku beddeli karto macluul, balse aysan hadda gaarin heerkaas. 

Hay’adaha Reer Galbeedka ayaa sheegaya in 7.8 milyan oo Soomaali ah ama kala bar dadka ku nool Soomaaliya ay abaar hayso, taasi oo xaqiiq iyo caqliga ka fog, marka la eego xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalka. 

Dowladda ayaa illaa hadda ku guuleysatay inay iska caabiso cadaadiska hay’adaha QM, balse ma cadda haddii ay gadaal iska dhiibi doonto una hoggaansami doonto.

Kulankii maanta, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey hay’adda OCHA taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ku adkeeyey in ay xoojiyaan gargaaridda dadka abaaruhu saameeyeen iyo wax ka qabashada xaaladaha bani’aadamnimo ee ka dhashay.  

Dhankiisa, Mudane Martin Griffiths Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Arrimaha Bani’aadamnimada iyo Gargaarka Degdegga ah ee OCHA ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ka caawin doonaan arrimaha mudnaanta u leh ee ku saabsan horumarinta iyo dadaallada wax looga qabanayo saameynta baahsan ee ka dhalatay isbaddalka cimilada.