26.1 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Xog: DF oo fulisay qodob ka mid ah codsiyadii Axmed Madoobe u soo diray – 3 kale ayaa dhiman

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka jawaabtay qeyb ka mid ah codsigii Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, uu u soo dhiibay Madasha Samatabixinta, kuwaas oo uu la wadaagay Madaxweyne Xasan Sheekh maalmo ka hor, markii uu ku casuumay Villa Somalia.

Afar qodob oo uu Axmed Madoobe u soo dhiibay mucaaradka ayaa ugu horreeyay codsiga Jubbaland ee ahaa in laga qaado xayiraaddii duullimaadyada. Dowladda federaalka ayaa maanta si buuxda uga jawaabtay arrintaas, iyadoo fasaxday dhammaan diyaaradihii ka xayirnaa degmooyinka Jubbaland.

Qodobka labaad: Axmed Madoobe ayaa mucaaradka ka codsaday inay Xasan Sheekh ka dhaadhiciyaan inuu meesha ka saaro waaranka Muqdisho ka yaalla ee ah amar soo qabasho oo ay Maxkamadda Gobolka Banaadir soo saartay.

Qodobka saddexaad: Madaxweynaha Jubbaland, oo si adag uga cabtay cunaqabateynta ay dowladda federaalka saartay maamulkiisa, ayaa mucaaradka ka dalbaday inay ku dadaalaan in dowladda federaalka ay fasaxdo dhaqaalihii ay ka xayirtay Jubbaland. Waxaa jira kab miisaaniyadeed oo dowladda federaalka siiso dowlad-goboleedyada dalka, kaas oo laga joojiyay Jubbaland tan iyo markii khilaafka uu bilowday.

Qodobka afraad: Axmed Madoobe ayaa mucaaradka u caddeeyay inuu diyaar u yahay inuu yimaado Muqdisho kana qayb galo shirarka looga hadlayo aayaha iyo masiirka umadda Soomaaliyeed, balse uu dalbanayo damaanad amni oo isaga iyo dowladda federaalka kala badbaadin karta inta laga gaarayo heshiis buuxa.

Mucaaradka ayaa dhammaan dalabaadka Axmed Madoobe la wadaagay Madaxweyne Xasan Sheekh, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo ku dhow Madasha.

Xasan Sheekh oo ka gaabsaday inuu si toos ah uga jawaabo codsiyada Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu weydiiyay hal su’aal oo ahayd: “Axmed ma oggol yahay inuu ka laabto is-doorashadiisii?” Taasi oo mucaaradkuna ay ka waayeen jawaab.

Afhayeenka Madasha Samatabixinta, Daahir Geelle, ayaa horay u sheegay in dowladda federaalka ay diidday inay ka jawaabto dalabaadkii uu u soo dhiibay Axmed Madoobe, isla markaana looga hadli doono kulamada dambe si xal looga gaaro khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Jubbaland.

- Advertisement -

Read more

Local News