Xog: DF oo ilaa hadda aan bixin mushaarka bishii hore ee qaar kamid ah shaqaalaha

Muqdisho (CaasimadaOnline) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan ugu yaraan 8 wasaaradood oo ah kuwa arimaha Bulshada ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ilaa hada aan qaar kamid ah shaqaalaha la siinin mushaarka bishii hore. 

Dadka aan la hadalnay ayaa sheegay in 1-dii ilaa 10-kii bishaan la bixiyay mushaarka qaar kamid ah shaqaalaha dowladda, halka Arbacadii iyo Khamiistii todobaadkaan la siiyay qaar kale, waxaana wali harsan inta kale ee soo hartay oo u badan macalimiin iyo shaqaalaha kumeel-gaarka. 

Waa markii ugu horeysay afar sano kadib oo ay shaqaalaha dowladda yihiin mushaar la’aan iyadoo ay dhamaad tahay bishii kale. Arrimahaan ayaa aad looga hadal haayaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan xafiisyada dowladda. 

Sida ay Caasimada Online hore u baahisay dowladda Soomaaliya waxay sanadkaan weysay kabkii ay ka heli jirtay dowladaha taageera Soomaaliya iyo qaar ka mid ah hay’adaha iyo ururada bixin jiray kabka dowladda. 

Ururadan oo ay ku jiraan Bankiga Adduunka iyo Midowga Yurub ayaa lacagta hakiyey kadib markii ay walaac ka muujiyeen in Soomaaliya ay ku dhaceyso nidaam kali-talis ah.

Badanaa waqtiga kala guurka ah dowladihii xilka isaga dambeeyay ma bixin jirin mushaarka shaqaalaha iyo ciidanka, inkastoo Madaxweyne Farmaajo uu bixiyay dhamaan bilooyinkii hore ee uu xafiiska joogay.