DFS oo ku dhowaaqday qasbahada SHIR cusub.!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia, Abdisalam Omar Hadliye ayaa ka shanqariyey inay Dowladda Kuwait qabanqaabinayso Shirweyne kaalmo loogu raadinayo Waxbarashadda Somalia.

Wasiirka ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wakaalladda Wararka Kuwait ee KUNA, kadib, markii uu shalay la kulmay Ra’isul-wasaare-ku-xigeenka Koowaad ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Kuwait, Sheikh Sabah Al-hamad Alsabah.

Abdisalam Omar Hadliye ayaa sheegay inuu Kulankaasi ka dhici doono gudaha dalka Somalia dabayaaqadda sannadkan, inkasta uusan cayiman xilliga rasmiga ee uu furmay Shirkaasi.

Shirkaasi taageeradda Dhaqaaale loogu ururinayo Nidaamka Waxbarashadda Somalia waxaa iska kaashanayo Ururka Waxbarashadda, Sayniska iyo Dhaqanka ee Jaamacadda Carabta (ALESCO) iyo Ururka Waxbarashadda, Sayniska iyo Dhaqanka ee Ururka Islaamka ee (ISESCO).

Xigasho: KUNA

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com