BEESHA Yoonis Daanweyne Wacbuudhan oo ka gudbisay cabasho maamulka Hiiraan & Sh/Dhexe

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka heleyno ilo xog-ogaal ah oo ku dhow dhow xafiiska Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegaya in xafiiskiisa uu ku qaabilay Siyaasiyiin, aqoonyahano iyo khubaro ka ka socday beesha Yoonis Daanweyne Wacbuudhan.

Kulankaasi oo looga hadlay dacwo beeshaasi ay ka qabto qaabka xukuumadda Somalia u bilowday dhismaha maamul goboleedka loo sameynayo qeyb ka ah deegaanada ay beeshu degto gaar ahaan Shabeellaha Dhexe.

Beesha Yoonis Daanweyne Wacbuudhan oo degto deegaano badan oo gobolka Shabeellaha dhexe ah isla markaana cid walba ay ogtahay muga ay ku leedahay gobolka ayaa caddeysay ineysan aqbaleyn inaan wax tixgelin ah ama wadatashi ah lagala sameyn qaabka masiirkooda go’aanka looga gaarayo iyo inaan cid iyaga madasha ah lagala sameyn qaabka masiirkooda go’aanka looga gaarayo, iyo inaan cid iyaga madasha aysan goob joog ka aheyn goobta lagu saxiixay heshiiska is afgaradka (MUO), taasoo ay ugu wacan tahay inaan beesha xubin ku laheyn hayaddaha kala duwan ee xukuumadda isla markaana si ula kac ah loo diiday in xildhibaano talo ku lahaadaan qaabka maamulka loogu sameynayo ummada ay madalaan, suuragalna aysan aheyn sida ay caddeeyeen madaxda sare ee dowladda in la qabto doorasho nin iyo codkiis ah sanadka 2016-ka sida lagu balamay iyo beesha oo dhowr jeer dalabtay in arrimahaas kulan kala yeelato Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud si cabashadooda ugu gudbiyaan, kana waayeen jawaab ku aadan codsigooda.

Sidaas dartel beesha waxay Ra’iisul Wasaaraha u caddeeyeen inaysan raali ka aheyn sida loo bilaabay guud ahaan qaab dhismeedka maamul goboleedka Shabeelahha Dhexe iyo Hiiraan, go’aankooduna yahay inaysan marna ka tanaasuleyn xuquuqdooda dastuuriga ah ee ah inay talo ku yeeshaan qaabka maamulka loogu sameynayo deegaanadooda sida ay beelaha kale ee Soomaaliyeed talo ugu yeesheen maamul u sameynta deegaanadooda.

Hadaba, Ra’iisul Wasaraaha xukuumadda Somalia, Cumar C/rashiid wuxuu garwaaqsaday dhamaan cabashooyinkii ay beesha u gudbisay, wuxuuna ballan qaaday inuu ka qaban doono wixii isaga kaga aadan ee sharciga awood u siinayo, inta kalena uu la wadaagi doono Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu danbeyntii, beesha waxay ka rajeyneysaa in madaxda sare ee dowladda gaar ahaan Madaxweynaha inuu garwaaqsan doono cabashooyinka beesha ee sharciga u qotomo, isla markaasna ay ka filayaan in xuquuqdooda si caddaalada ku jirto ay ugu heli doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com