AXMED MADOOBE oo xilka ka qaaday taliye sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Madaxtooyada Maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in gabi ahaanba la bedelay Taliyihii Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Maamulkaasi Cabdiqaadir.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Taliyahaasi lagu bedelay Taliye cusub oo lagu magacaabo Sahal black oo ay saaxiibo dhow yihiin Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Amarka lagu bedelay Cabdulqaadir oo ahaa Taliyihii hore ayaa waxaa baxshay Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe oo aan isagu ku qancin howsha uu hayay Taliyahaasi, sida aan xogtu ku heleyno.

Taliyaha la bedelay ayaa la sheegayaa in iminka uu dood ka keenay bedelka lagu sameeyay, waxaana jiro warar sheegaya in Odayaal ka tirsan lafta uu kasoo jeedo ay kulamo la qaaten Hogaamiyaha Maamulka oo ay kala xaajoonayaan sababta ka danbeysay xil ka qaadistiisa.

Xil ka qaadista Taliyaha ayaa sidoo kale imaaneysa xili mudooyinkaani danbe Kismaayo ay ehel u noqotay Qaraxyo iyo weeraro ismiidaamin ah oo inta badan ay khasaaro kasoo gaaraan dad shacab ah.

Lama oga sababta rasmiga ah ee Taliyahaasi uu xilkiisa ku waayay markii laga soo tago tuhuno uu Axmed Madoobe ka qabo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com