GALMUDUG oo nolosha ku qabatay ciidamada…

Cadaado (Caasimada Online) – Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan ururka Ahlu sunna ayaa gacanta waxaa ku dhigay ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug, kadib dagaal ka dhacay deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud.

Saraakiil ka tirsan maamulka Galmudug ayaa sheegay in ciidamada gacanta lagu dhigay lagu qabtay dagaal ka dhacay deegaanka Godinlabe, kaasi oo dhexmaray ciidamada Ahlu sunna iyo ciidamada Galmudug.

Salaad Aadan, oo kamid ah dadka deegaanka Godinlabe ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay deegaanka uu sababay waxyeelo kala gaartay dhinacyada dagaalamay.

Sidoo kale Salaad, wuxuu sheegay in afar kamid ah ciidamada Ahlu sunna u gacan galeen ciidamada Galmudug iyaga oo watta hubkooda.

Ciidamo kale oo ka tirsan Ahlu sunna ka baxsaday goobta dagaalka uu ka dhacay, waxaana kadib deegaanka la wareegay ciidamada Galmudug, wallow markii dambe ay isaga baxeen.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com