C/WELI GAAS: Madaxweyne Xasan Sheekh waan ku qasaarnayee 4-ta sano ee kale aan ka fakarno

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/welli Maxamed Cali Gaas, ayaa eedeyn u jeediyay madaxweynaha dowlada Soomaaliya oo u duulay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

C/welli Gaas, ayaa sheegay in dowlada Xasan Sheikh Maxamud ay dalka dib u dhac weyn gelisay marka oo eego waqtiga u harsan dowlada oo muddo sanad kali ah.

C/welli Gaas ayaa sidoo kale sheegay in haddii madaxda dalka daacad ka tahay shaqada qaranka ay wax badan u qabsoomi lahaayeen, laakiin dowlada aysan daacad ka heyn qabashada waajibaadka qaranka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dowlada Xasan Sheikh aysan kasoo bixin balanqaadyadii ay sameysay oo ay kamid ahaayeen in dalka la gaarsiin doono doorasho qof iyo cod ah balse aysan dhicin.

AFarta sano ee soo socota ayuu ku baaqay in laga fiirsado maadaama afarta sano ee Xasan Sheikh uu ku tilmaamay mid qasaartay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com