PUNTLAND oo 9 qodob xasaasi ah kasoo saartay xiisadda ka taagan goballada SOOL iyo NUGAAL

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalmahaani danbe ay Colaad ragaadisay gobalada Sool iyo Nugaal, ayaa waxaa arrintaasi go’aan kasoo saaray Maamulka Puntland.

Go’aanka kasoo baxay Maamulka ayaa ka kooban 9 qodob oo la xiriira xiisada ka taagan Goboladaasi iyo faragalinta ay ku heyso Maamulka Somaliland.

Qodobada ayaa waxa ay sidoo kale khuseeyan Beelaha ku dagaalamaaya Goboladaasi oo iska dilay inkabadan 19 ruux oo shacab u badnaa, waxaana kamid ah qodobada:

1:-In dhammaan dhinacyadu daacad ka ahaadan lagana wada qeyb qaato xal u helidda Colaadaha.

2-In Puntland ay isticmaasho awood kasta oo lagu joojinaayo loogana gaarayo xal waara dirirta soo noq noqotay ee u dhaxeysa dadka walaalaha ah, isla markaana Ciidamo deg deg ah la kala dhex dhigo dadka dirirtu u dhaxeyso.

3- In dadka degan Deegaanka Buurtinle ay Nabad diyaar u yihiin kana shaqeynayaan xasiloonida.

4- In Ciidamada ka socda Deegaanka Buurtinle ee ku sugan jiidda hore ee la isku hor fadhiyo dib looga soo celiyo goobihii deegaankoodu ahaa.

5- In Puntland ay xiriir la sameyso Dowladda Itoobiya sidii Ciidan loo keeni lahaa deegaankaas maadaama uu yahay dhul hoostaga Dowladda Itoobiya.

6- In Deegaanka Buurtinle laga sameeyo Guddi ka kooban 21 Xubnood.

7- In la sameeyo Guddi isku dhaf ah una ambabaxa meelaha Maleeshiyadu isku hor fadhiyaan.

8- In Waxgaradka Sool iyo Cayn lala kaashado Xalinta iyo xal u helidda Mushkiladaasi.

9- In Mushkiladani ay tahay mid caam ah isla markaana ay khasab tahay inay ka qeyb qaataan dhammaan qeybaha Bulshadu.

Go’aankaani ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray Gudiga Maamulka Puntland ay u dirtay Goboladaasi oo uu horkacaayo Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland Eng, Cabdihakiim Xaaji Cumar Camay oo tagay degmada Burtinle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com