Xog: DF oo qorshe adag la damacsan xiriirka maamul goboleedyada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Xukuumada Somalia, gaar ahaan Wasaarada arrimaha dibadda Somalia ayaa horay sharci daro ugu tilmaantay heshiisyada ay Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada dalka la galayaan Dowladaha Shisheeye ee daneeya arrimaha Somalia.

Xukuumadu waxa ay horay u sheegtay in heshiisyadaasi inta badan ay ka dhacaan dalka dibadiisa, xili dowlada Somalia ay dhowr jeer ka digtay heshiisyo dhexmara  maamul Goboleedyada iyo Dowladaha Shisheeye.

Xukuumada Somalia oo dhinacyo badan ka eegeysa Heshiisyad qarsoodiga ah, ayaa iminka wada qorsho lagu hakinaayo xiriirka maamul Goboleedyada kala dhexeeya dowladaha shisheeye sida Kenya, Ethiopia iyo Imaaraadka carabta.

Qorshahaani ay wado Xukuumada Somalia ayaa waxaa kaalin weyn ka qaadanaaya oo la marin doonaa Danjirayaasha Beesha Caalamka ka jooga Somalia, oo inta badan fududeeya is araga Hogaamiyayaasha iyo dowladaha Shisheeye.

Sida uu Qorshuhu yahay Xiriirka maamul Goboleedyada kala dhexeeya Dowladaha Shisheeye ayaa hakat gali doona Bilaha fooda nagu soo haya, iyadoo heshiisyada loo mari doono dowlada Somalia oo qura.

Xukuumada Somalia, gaar ahaan Wasaarada Arrimaha Dibadda  ayaa horay u sheegtay in waxyaabaha ay ku dhaqaaqayaan Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada qaar ay dhaawac ku tahay qarannimada Somalia.

Sidoo kale, Qorshaha Xukuumada Federaalka ayaa ah in la xadido safarada Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyada oo la rumeysan yahay inay ka safar badan yihiin Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka.

Ma cadda sida uu ku dhaqan gali doono qorshaha ay wado  Xukuumada Somalia, ee lagu hakin doono xiriir Siyaasadeedka ka dhexeeya maamul Goboleedyada iyo Dowladaha shisheeye.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho 

Caasimada@live.com