Laba kaclaynta xukuumada Nabad iyo Nolol iyo sida loo soo dhaweeyay

Xukuumada Nabad & Nolol oo laba-sana jirsatay kana badbaaday cuduradii dili jiray kuwii ka horeeyay ayaa ku dhawaaqday isku shaandhayn Golaha oo muda dheer laga sugayay, waana is bedelkii ugu badnaa ee lagu sameeyo Xukuumad dhisan ee soo martay dalka ilaa sanadkii 2000, in 13 Wasiir lagu daro Xukuumad dhisan ama la kala bedelo.

Waxaana lagu aqriyay ama lagu soo dhaweeyay aragtiyo kala duwan:

A- Dad taageeray una arkay horumar iyo talaabo loo qaaday dhanka dawladnimada, joogtaynta shaqada, isla xisaabtanka iyo xasiloonida siyaasadeed ee dalka.

B-Dad dhaliilay una arkay culays lagu daray culays iyo tiro aan tayo lahayn oo lasii kordhiyay.

Dooda oo mid kasta u heli karo xujo ama cadayn hadana waxaa muuqda qodobadaan:

1-13 ka Wasiir waxa ay ka tirsanyihiin Barlamaanka markii laga reebo Safiir Geelle, taas oo tusaale u ah sida Xukuumadda iyo Barlamaanku isugu dhawaanayaan; Negative ama Posative midii loo arko!

2-Wasiirada oo dhalin yaro ah kuna cusub Wasiirnimada iyo Barlamaanka markii laga reebo Safiir Geelle, Lafta-gareen iyo Wasiir ku xigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta; Negative ama Posative kii loo qaato!

3-Waxaa la khilaafay 4.5 oo lagu dhaqmi jiray markii wax la magacaabayo ama la casilayo, lkn hadda waxaa la maray wada cusub oo ah:

9 Wasiir oo hal beel ah iyo 4 ta kale oo 3 beel kala ah iyo beel laga tegay oo aan dood qabin, taas oo ka dhalatay is bedelkii Gudoomiyaha Barlamaanka iyo tartankii loo galay Gudoomiyaha cusub; Negative ama Posative kii laga dhigto.

4-Ragii Qamaaray ee isu casilay tartankii Gudoomiyaha oo daadka siyaasadu qaaday markii laga reebo Wasiir Lafta-gareen oo is badbaadiyay wareegii labaad ee ciyaartii doorashada Gudoomiyaha; Negative ama Posative midkii loo arko!

5-Mucaaradkii Nabad & Nolol oo laga waayay liiska cusub ee Wasiirada; Negative iyo Posative tii loo akhriyo!

6-Faragelinta iyo Talada Barlamaanka iyo Madaxda Gobalada oo ku yareed Liiska cusub, taas oo horay uga muuqa jirtay talaab kasta oo la qaadayo; Negative iyo Posative middii lagu fasiro!

7-Xildhibaano taageeray Xukuumadda oo rajo ka qabay Wasiirnimo oo laga yaabo in ay biiriyaan safka Mucaaradka, halka qaarna ku daaleen Mucaaradka oo laga yaabo in ay biiriyaan safka Xukuumadda; Negative ama Posative middii loo fahmo!

Qodobadaas iyo kuwa kale waa sida “Sararta labadeeda dhinac oo qof kasta dhinac ka arko” siyaasadana is bedel kasta waxa uu leeyahay Macaan iyo Qaraar.

Wasiirada cusub iyo kuwii hore waxaan u rajaynayaa in xilkooda Alle la garab galo xilligaan adag ee dalku marayo.

W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)