Aqri: Imaaraadka Carabta oo ay masjidka Al-Aqsa ku ceebeysteen Falastiiniyiinta

Qudus (Caasimada Online) – Horey ayay Soomaalidu u tiri “waan baahanahay bakhti looma cuno”, waxaana sidaas sameeyey Falastiiniyiinta ku nool magaalada Qudus, oo iska diiday bahdilaadda Imaaraadka Carabta.

Falastiiniyiinta ayaa iska diiday deeq Imaaraadku geeyeen masjidka barakeysan ee Al-AQSA, sababo la xiriira in Imaaraadku u muuqdaan inay markan la safan yihiin Yahuudda.

Waxa ay billaabeen olole xagga twitter-ka oo loogu magac daray #we are not hungry, si dadka loo gaarsiiyo inay iska diidaan cuntad Imaraaadka ay geeyeen masjidk Al-AQSA.

Tallaabadan ayaa timid markii Imaaraadka ay koox ka qeyb gasha usoo direen tartan xagga orodka baaskiilka ah oo Yahuuddu ay ku qabteen dhulka ay xoogga ku haystaan ee Qudus, taasi oo Falastiiniyiinta ay u arkeen in Imaaraadka ku aqoonsadeen jiritaanka dalka Yahuudda iyo in Qudus ay ayaga leeyihiin.

Guddiga Olombikada Falastiin ayaa cambaareeyey ka qeyb-galka kooxda Imaaraadka ee tartankaas.

Radio ku hadla afka Hebrew ee Yahuudda ayaa sheegay inuu soo noqday xiriirka Yahuudda iyo Imaaraadka, ayada oo Imaaraadka ay casuumad booqasho oo rasmi ah usoo direen wasiirka isgaarsiinta Yahuuda, Ayoob Kara.

Horey ayaa wargeyska Washington Post ee Mareykanka wuxuu u qoray in safiirada Imaaraadka iyo Bahrain ee Washington, Yousef Al-Otaiba iyo Abdullah Bin Rashed Al-Khalifa ay maqaayad ku taalla magaaladaas kula kulmeen ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, markii uu booqashada ku joogay halkaas.

Kooxdii Imaaraadka ee cuntada geeyey masjidka Al-AQSA ayaa weji-gabax kala noqday halkaas, markii cidna ay qaadan weysay deeqdooda.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
caasimada@live.com