DF Somalia oo wadahadallo la fureysa Xisbul Islam si Xasan Dahir Aweys loo..

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online, in dhawaan magaalada Muqdisho uu ka dhici doono kulan lagu dhex dhexaadinaayo dowladda Fedaraalka iyo ururkii burburay ee Xisbul Islaam.

Kulankan waxaa kaloo looga hadli doonaa mustaqbalka Sheekh Xasan Daahir Aweys oo hadda u xiran dowladda Soomaaliya.

Yaa u matalaya DF Somalia iyo Xisbul Islaam?

Dowladda Soomaaliya ergada u matali doonta shirkan waxaa hoggaaminaya wasiirka amniga qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed dhinaca xisbul Islaam waxaa hoggaaminaya Muuse Caraale oo ka mid ahaa madaxdii Xisbul Islaam, sidda ay lee yihiin ilaha warkan noo sheegay.

Sidoo kale waxaa shirkan looga hadli doonaa xarigga Xasan Daahir Aweys oo muddo sannad ah dowladda u xiran.

Magaalada Muqdisho waxaa maalmahan ka socday kulamo looga hadlaayo shirkaas dhexmaraya dowladda Soomaaliya iyo ururkii burburay ee Xisbul Islaam.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan wadahadallada u furmaya iyaga iyo Xisbul Islaam.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka NairobI

Caasimada@live.com