Gaas oo guddoomiyay shirweyne ay ka qeybgaleyn Beesha caalamka iyo DFS

Garoowe (Caasimada Online)-Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaa maanta oo Arbaca ah ka dhacay shirweyne hal maalin socday kaasoo ay ka qeybgaleyn beesha caalamka.

Shirkan oo uu guddoominaayay madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaa ka qeybgalay wakiilka midowga Yurub ee Soomaaliya, Wakiilka IGAD ee Soomaaliya, wakiilo kale oo ka socda Yurub, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta.

Sidda uu soo sheegay shirka waxaa looga hadlay xaalada Soomaaliya iyo baahiyaha ka jirra Puntland sidda ammaanka, ladagaalanka burcad-badeeda, garoomada diyaaradaha, dekedaha iyo horrumarinta adeegyada Bulshadda.

Shirka intii uu socday waxaa la isla soo hadal qaaday arrimaha Soomaaliya gaar ahaan doorashada la rabo in dalka ka dhacdo sannadka 2016-ka.

Intii uu shirka socday waxaa la adkeeyay ammaanka goobta uu shirka ka socdo, oo waxaaba la arkayay ciidamo ajnebi ah, waxaa kaloo la hakiyay gaadidka iyo dadweynaha caaddiga ah.

Shirka waxaa kaloo ka qeybgalay labo wasiir oo ka socday dowladda fedaraalka Soomaaliya, kuwaasoo kala ah wasiiradda Qorsheenta iyo Waxbarashadda, waxaana la sheegay in shirka ay u matalayeen dowladda fedaraalka Soomaaliya sidda uu sheegay madaxweyne Gaas.

Markii uu shirka soo dhammaaday waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay madaxweynaha maamulka Puntland, Gaas iyo wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Somalia Michele Cervone.

Madaxweyne Gaas ayaa shegay in beesha caalamka ay u sheegeyn siddii loo tageeri lahaa Puntland iyo in si madax banaan loo siiyo waxybaaha loogu talagalay ee aan gacan seddaxaad loo soo marsiin oo uu kala jeeday dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay oo kale in ay shirka ku soo bandhigeyn wax yaabaha Puntland ay qabatay iyo wax yaabaha u harsan.

Danjire Cervone ayaa sheegay Midowga Yurub iyo dhammaan dowladahga kale ee wada shaqeynta la leh Puntland in ay ku faraxsan yihiin horrumarka ay gaartay Puntland isagoona yiri waxaan sii wadi doonaa taageerada aan sii neyno.

Madaxweynaha Puntland ayaa soo bandhigay wax yaabaha uu qabtay maamulkiisa sidoo kale wuxuu beesha caalamka ka codsaday in door ka qaataan dib u dhiska Puntland oo kaalmada loogu talagalay Soomaaliya la soo gaarsiiyo Puntland.

Waa markii ugu horreysay oo Puntland ay qabato shirweyne intan la eg oo ay ka soo qeybgalen wafuud caalami ah tan iyo sannadkii 2012-ka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com