Nichalas Key oo arrimo nexdin leh ka sheegay Somalia iyo QM oo berri uu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nichalas Key ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan Soomaaliya, isagoona arrimo naxdin leh sheegay.

Key ayaa berri lagu wadaa in uu qadka Vidio-ga kala hadlo QM, isagoo ku sugan Muqdisho, wuxuuna ka warbixin doonaa xaalada Soomaaliya iyo khilaafka madaxweynaha iyo xildhibaannada soo kala dhex galay.

Wuxuu u sheegay BBC-da in Soomaaliya ay mareyso xaalad khatar oo uu ka cabsi qabo in 2016-ka ay doorasho ka dhacdo dalka marka loo eego sidda ay wax u socdaan.

Wuxuu ammaanay horrumar laga gaaray dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo dib u dhiska balse wuxui carabka ku adkeeyay in khilaafka soo kala dhexgalay madaxweynaha iyo xubno ka tirsan baarlamaanka isagoona yiri arrintaas waa dib u dhac hor leh.

Wuxuu sheegay baarlamaanka in ay doonayaan in ay meesha ka tuuraan madaxweynaha ama qeyb ka mid ah, taasna waxa ay markale dib noo xasuusineysaa 2013- oo khilaafka madaxda uu dhacay taasoo waqti badan uu ku lumay.

Wuxuu ka digay haddii khilaafka madaxweynaha iyo xildhibaannada baarlamaanka uu cirka isku shareero in ay taasi muujineyso dib u dhac ku yimaada howlaha laga rabo in ay dowladda qabato ka hor 2016-ka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com