Jawaari oo maanta qaatay go’aan adag

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta oo Khamiis ah sheegay in la ganaaxayo 15 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka kuwaasoo aaney ka soo qeybgalin kulamada baarlamaanka.

Isagoo ka hadlaayay fadhi uu lahaa baarlamaanka Soomaaliya, ayuu Jawaari sheegay in wixii maanta ka dambeeya aan laga yeeli doonin xildhibaannada in ay ka maqnaadaan kualamada baarlamaanka maadama shaqooyin culus ay hor yaallaan.

Wuxuu sheegay in xildhibaanka ka maqnaada kulamada baarlamaanka laga jari doono mushaarkiisa oo marka dambe digniin la siin doono sidda uu yiri.

Waa markii ugu horreysay oo ganaax lacageed la dul dhigay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya kuwaasoo lagu eedeeyay in aysan ka soo qeybgalin kulamada baarlamaanka.

Waa caado ay lee yihiin xildhibaannada baarlamaanka oo kama soo qeybgalaan kulamada baarlamaanka oo waxay yimaadaan uun marka mooshin uu yaallo ama arrin xasaasi ah laga hadlaayo.

Xildhibaannada qaar ayaa sidoo kale sameeya marka ay subaxii horre yimaadaan xarunta waa ay is diiwaangaliyaan oo dib ayey ka noqdaan iyagoo fadhiga ka qeybgalin oo waxa ay isku diiwaangaliyaan in ay joogeyn.

Waxaa jirra xildhibaanno badan oo ka maqan dalka iyo kuwa dano kale leh oo aan ka soo qeybgalin fadhiyada baarlamaanka, taasna waxay caqabad ku tahay shaqooyinka laga rabo baarlamaanka ka hor 2016-ka.

Caaasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com