Dhageyso: DF oo ku dhowaaqday inuu dhammaaday khilaafkii Puntland

Garowe (Caasimada Online) – Khilaafkii u dhaxeeyey dowladda Somalia iyo maamulka Puntland, ayaa u muuqda mid meesha ka baxay, haddii la tixraao hadal kasoo yeeray wasiir ka tirsan dowladda fadhigeedu yahay Muqdisho.

Wasiirka qorshaynta DF Siciid Cabdilaahi Dani oo ka mid ah masuuliyiintii ka qayb galay shirka beesha caalamka iyo Puntland ku dhexmaray magalada Garowe ayaa cadeeyay inuu wanagsan yahay xiriirka Puntland iyo DF.

Waraysi gaar ah ayuu Dani ku sheegay inuusan hadda jirin wax khilaaf ah oo labada dhinac u dhaxeeya taasana ay daliil u tahay inuu xiriirku wanaagsan yahay imaanshihiisa magalada Garowe.

Waxa uu sheegay Somalia inay hal dal tahay isla markasna uusan jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeya.

Madaxwaynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole ayaa ku eedeeyey madaxda DF inay wax ka badal ku sameeyeen dastuurkii Somalia balse Dani ayaa qaba in xiriirku uu hadda yahay mid wanaagsan.

Halkan ka dhageyso hadalka Dani

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa sheegay wax kasta oo ay Puntald iyo DF isku hayaan in loo mari doono qaab dastuuri ah islamarkaasna lagu dhamaynayo, balse waxaa muuqda in si hoose ay labada dhinaca u wada socdaan maadama wasiirka qorshaynta uu sheegay inay wada shaqayni ka dhaxayso hadda.

24-ka bishaan ayaa lagu wadaa in uu Garowe soo gaaro wasiirka koowaad ee xukumadda DF Cabdiwali Shiikh Axmed kaasoo kulamo la qaadan doono madaxda Puntland iyo Shacabka.

Wali madaxda Puntland kama aysan hadlin arrintaan kasoo yeertay wasiirka qorshaynta DF Siciid Cabdilaahi Dani oo sheegay iyaga iyo Puntland ay wada shaqeeyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
Caasimada@live.om