Xog: DFS oo maamulka Jubbaland u wada mas’uul horay dalka uga soo noqday Ra’isul wasaare

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay wado qorsho ay kursiga uga laaleyso Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo wakhtiga uu kasii dhamaanayo.

Dowlada ayaa la sheegayaa in kursigaasi oo dhawaan loo gali doono doorasho ay u wadato musharax cusub oo horay xil uga soo qabtay dowladii hore.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in musharaxa ay wadato dowlada Somalia uu yahay Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cabdiweli Sheekh Axmed oo xiriir wanaagsan uu kala dhexeeyo Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia.

Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa lasoo warinayaa in lagu cadaadinaayo xukunka maamulka Jubbaland, waxa ayna dowladu wadaa qorsho ay isbedel ugu sameyneyso Hoggaamiyayaasha maamulada oo iyagu caqabad ku ah howlaha dowlada.

Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa la filayaa in ololihiisa uu ka bilowdo magaalada Muqdisho oo dhawaan lagu wado inuu soo gaaro, sida aan xogta ku heleyno.

Sidoo kale, dowlada Federaalka ayaa gadaal ka riixeysa musharaxiin kale oo iyaguna u taagan tartanka xukunka maamulada Puntland iyo Koonfur galbeed oo iyaguna la filaayo in doorashadoodu ay dhacdo dhawaan.

Ma cadda musharaxiinta kale oo dowlada Federaalka ay u wadato maamulada Puntland iyo Koonfur galbeed,inkastoo la xaqiijiyay inay garbineyso mid laba musharax maamulkiiba.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com