Dhacdadii Bankiga Dhexe oo arrin aan la fileyn ka abuurtay XAMAR

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa iminka magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka taagan kala shaki cusub oo ka dhex curtay dadka shacabka iyo Ganacsatada ka ganacsata bagaashka.

Kala shakiga ayaa waxa uu ka dhashay lacagaha dollaarka kadib markii la sheegay in magaalada Muqdisho la soo galshay lacago dollaar been abuur ah, taasi oo inta ugu badan la gaarsiiyay goobaha ganacsiga.

Ganacsatada ayaa diiday in dadka shacabka ah ay ka qabtaan lacagaha dollar-ka ah ee laga soo qaaday xawaaladaha, waxa ayna ku doodayaan in dollar-ka faalsadaha ah uu gaaray xitaa shirkadaha, sidaa aawgeedna aysan aaminikarin dadka wata lacagaha dollar-ka.

Ganacsatada qaar ayaa dadka shacabka ah ku xujeynaaya in dollar-ka bedelkiisa ay la imaadan lacagta Shilin Soomaaliga ah ee dhawaanahaani isticmaalkeeda uu ku yaraa magaalada Muqdisho.

Shakiga ugu weyn ayaa yimid kadib markii Bankiga Dhexe la gaarsiiyay lacag dhan $ 530,000 oo faalsa ah, taasi oo lagu bedeshay lacago dollar nadiif ah oo uu Bankiga ku shaqeynaayay.

Dhinaca kale, dhibaatada ka dhalatay shakigaani ayaa waxaa loo tiirinaaya dowlada Somalia, gaar ahaan maamulka Bankiga Dhexe, waxa ayna dadku isla dhexmarayaan in lacagaha faalsada ah ee lagu bedelay lacagta la xaday lagu soo fasaxay suuqyada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@liove.com