Ameeriko oo kasoo horjeestay odeyga lagu daray 135-ka odey.

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cali Ameeriko ayaa kasoo horjeestay oday dheeri ah oo lagu daray odayaasha 135-ka ah ee soo xulaya ergada dhiseysa baarlamanka cusub ee Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay oo lasoo gaaarsiiyey Caasimada Online ayuu danjire Ameeriko ku sheegay inay tahay sharci darro soo kordhinta oday dhaqameedkan dheeriga ah.

“Waa arrin sharciga ka baxsan iyo wixii ay Soomaalida ku heshiisay, mana la aqbali karo in oday dhaqameed dheeri ah loo magacaabo dan gaar ah” ayuu yiri Danjire Ameeriko.

“Waa wax laga xumaado in dhismihii dowladda iyo baarlamanka cusub ee Soomaaaliya lagu billaaabo sharci darro” ayuu sii raaciyey

Safiirkii hore ee Soomaaliya ayaa codsaday in laga laabto go’aaankan, wuxuuna beesha caalamka ka dalbaday inay baaraan arrintan, kuna dhaqaaqaan sidii meesha looga saari lahaa.
Danjire Ameeriko ayaa la filayaa inuu toddobaadkan si rasmi ah u shaaciyo musharaxnimadiisa.

Shalay ayay ahayd markii warbaahinta ay heshay warqad uu saxiixay guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari oo xubnaha madasha looga dalbaday ansixintan odaygan dheeriga ah.

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in odaygan loo sameeyey si uu usoo xuli lahaa xildhibaaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo madaxweynaha ay isku dhow yihiin.
Faarax Cabdulqaadir iyo Fahad Yaasiin ayaa lagu warramayaa inay isku haystaan kursiga beeshooda reer Aw-Xasan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@liove.com