XOG: Soomaali ka tirsanaa ururka DAACISH oo isku qarxiyay dalka…

Cadan (Caasimada Online) – Wargeyska Washington Post ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa daabacay in Muwaadin Soomaaliyeed oo ka tirsanaa kooxda Daacish uu fuliyay ismiidaamin ka dhacday meel ka baxsan Soomaaliya.

Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa isku qarxiyay magaalada Cadan ee dalka Yemen, waxaana la sheegay inuu ku dhashay kuna barbaaray dalka Yemen, balse uu ka tirsanaa kooxda Daacish oo weeraro badan ka geysatay dalkaasi Yemen.

Saraakiisha dhanka amaanka ee dalka Yemen ayaa aqoonsaday muwaadinka Soomaaliyeed ee isku qarxiyay dalka Yemen, waxaana magaciisa lagu sheegay Axmed Seyf.

Dhinaca kale wakaalada Wararka AP ayaa baahisay sawirka Axmed oo dhoola cadeynaya korna u luxaya calanka kooxda Daacish lagu yaqaan.

Wakaalladda Wararka AMAQ ee jaalka la ah Kooxda Daacish ayaa baahisay War Saxaafadeed lagu xaqiijiyey  in Ninka weerarka fuliyey ahaa Somali ku dhashay, kuna barbaaray magaalladda Cadan.

Ninka  Soomaaliga ee  muddada dheer deganaa magaalladda Cadan ee Koonfurta Yemen waxa uu shalay gaari miineysan ku qarxiyey Dugsi ay Dowladda leedahay oo ku yaalla Deegaanka Alsanafer ee magaalladda Cadan, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Dhallinyaro doonaysay inay ku biiraan Ciiddanka Dowladda Yemen.

Caasimada Online
Xafiiska Yemen
Caasimada@live.com