Xog: Dhaq-dhaqaaq xoog leh oo ka socda xadka kala qaybiya Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Jowhar (Caasimada Online) – Dhaqdhaqaaq ciidan ayaa laga soo sheegaya xadka kala qaybiya Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, xilli goboladaasi ay in muddo ahba ka socdeen hawlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka, oo garabsanaya kuwa deegaanka, ayaa la soo sheegaya in ay wadaan abaabul ay kaga gaashamanayaan suurtagalnimada weeraro xilligan kaga yimaada maleeshiyadaasi.

Tani ayaa ka dambeysay kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in maleeshiyaad badan oo kuwa Shabaabka ah ay soo buuxdhaafiyeen aagga xuduudda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Shabaabku ay sidoo kale maalmihii ugu dambeysay maleeshiyaad fara-badan ka keenayn gobollada dalka qaarkood, si ay ugu xoojiyaan qorshaha ay ku doonayaan inay ku difaacdaan degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegaya inay ka feejigan yihiin isku day kasta oo Shabaabku damacsan yihiin inay ugu weydaartaan dhulkii horaan laga saaray.

Shabaabka ayaa Talaadadii weeraray fariisimaha ciidamadu ku leeyihiin meel ku dhow deegaanka Ceeldheer Buraale oo ku dhow xadka labada gobol. Ciidamada ayaana la sheegay inay dib isaga caabiyeen weerarkaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadu u diyaarsan yihiin inay ka hortaggaan Shabaabka oo la sheegayo in ay damacsan yihiin inay isaga tallaabaan jidka jayga ee xiriiriya Degmada Ceeldheer iyo deegaanka Ceelbaraf, oo ka kala tirsan Gobolada Galgaduud iyo Shabellaha Dhexe, waana waddo kale oo saddexda gobolba isku xirto.

Gudoomiyaha Degmada Maxaas, Muumin Maxamed Xalane ayaa mar sii horreysay waxa uu hawlgalka waddada saddex xagalka uu ku qeexay “Hawlgalku hawlgal iska socdo ma ahan ee waa hawlgal qorsheysan oo dhan kastaba lagu xisaabtamaya weeye.”

Shabaabka ayaa u muuqdo kuwa geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaya, sidii ay u fashilin lahaayeen duulaanka la hadalhayo in uu ku wajahan yahay Degmada Aadan Yabaal, oo ay ku leeyihiin saldhigooda ugu weyn ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sabtidii dadka reer Hirshabelle ugu baaqay inay ka guul gaaraan dagaalkan ay dhulkooda kaga xoreynayaan halka cadow ay maanta ummadda Soomaaliyeed leedahay.