Afgooye (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen agagaarka deegaanka Sabiid oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.
Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay weerar culus ku qaadeen goob ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku taalla duleedka deegaanka Sabiid.
Saraakiisha horkaceysay howlgalka ayaa sheegay in howlgalkaas ay ku dileen illaa 20 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ku howlanaa diyaarinta weerar ay iyaguna ku soo qaadaan fariisimaha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku yaalla halkaasi
Maxamed Abuukar Axmed oo ah guddoomiyaha maamulka deegaanka Sabiid ayaa dhankiisa sheegay in xubnaha la dilay ay ahaayeen kuwo si dhuumaaleysi ah ku yimid halkaasi islamarkaana howlgalka ay fuliyeen ciidamada uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in weli uu socda howlgalka, islamarkaana ay ciidamada isku ballaariyeen tuulooyinka hoos yimaada deegaanka Sabiid oo marar badan lasoo weeraray.
Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed,
Muddooyinii u dambeeyey ayaa waxaa gobollada dalka ka socday guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay qayb ka yihiin dadka deegaanka, islamarkaana khasaare lagu gaarsiiyey Al-Shabaab, kadib dagaallo iyo weeraro kala duwan ka dhacay gobollada dalka.