Daawo: Yaasiin Fareey oo war cusub ka soo saaray howlgallada ka socdo dalka

Cadale (Caasimada Online) – Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Fareey) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya oo booqday furimaha dagaalka ka dhanka ah Al-Shababaab ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa soo saaray war cusub.

Xildhibaanka oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka kula hadlay Nuur Dugle ayaa ayaa shaaca ka qaaday in waqti dhow uu guuleysan doono howlgallada ka socdo gobollada.

“Caawa Nuur Dugle ayaan joognaa inaan waqti dhow gaari doonoayaan rajeynayaa inta ka dhiman Shabeelaha Dhexe, gobolka Galgaduud iyo gobolka Mudug,” ayuu yiri Farey.

Yaasiin Fareey oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale xusay in dhowaan lasoo afjaro dagaalka, islamarkaana laga guuleysto kooxda Al-Shabaab.

“Waxaa rajeynaa in dadaalkaas wuu socdaa meel fiican ayuuna marayaa waxay aheyd maalmo kahor xilligii aan kasoo baxaynay magaalada Muqdisho,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay ciidamada huwanta iyo saraakiishooda inay adkeeyaan difaacooda, si ay uga hortegaan weerarada Al-Shabaab, lana sii wado dagaalka.

“Waxaan ku baaqayaa in lasii adkeeyo difaaca, lana sii socdo ilaahey idamkiis,” ayuu markale yiri xildhibaan Yaasiin Farey.

Halkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay hakad galeen howlgallada ka socda deegaanada HirShabelle iyo Galmudug, sababo la xiriira xeelad milatari, sida ay shaaca ka qaaday Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo ka hadashay howlgallada socdo.