XOG: DHAQAATIIR loo xiray weerarkii Xabsiga Dhexe

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan hay’adda dambi baarista Booliska Soomaaliya ee CID ayaa shalay shan qof u xiray tuhunno la xariira weerarkii ka dhacay Xabsiga dhexe ee Xamar.

Shanta qof oo ay saakay xireen ciidanka amniga ayaa kala ah 3 qof oo ka tirsan dhaqaatiirta xabsiga dhexe ee qaabilsan daaweynta maxaabista, iyo laba qof oo ahaa askar si gaar ah u qaabilsanaa haynta furayaasha qolalka maxaabiista.

Sidoo kale xogta aan helnay aya sheegeysa in shanta qof, qof kamid ah ay tahay Haweeney dhaqtarad ah waxaana wali socda baaritaanka dadkaan.

CID ayaa shalay iyo dorraad dhowr jeer tagtay xabsiga dhexe waxayna la kulmeen qaar kamid ah saraakiisha ciidanka Asluubta waxaana loo sheegay in wali socdo baaritaano culus.

Guddigii loo xil saaray in ay kiiskaan baaraan ayaa wada dadaalo xoogleh waxaana soconaya baaritaan adag. Tirada dadka loo xiray weerarkaan ayaa hadda gaaray 9 qof waxaana la aaminsan yahay in tirada intaan ka badan karto haddii la eego qaabka baaritaanka u socdo.

Xariga shalay ayaa imanaya ayada oo sidoo kale shalay halkaas laga soo xiray afar kamid ah ciidanka Asluubta Soomaaliya oo laba kamid ah ay yihiin saraakiil sare.

Sidoo kale, taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa shalay bedelay dhamaan ciidanka ilaalada Xabsiga Dhexe iyo qaar ka mid ah ciidanka ku sugan kontaroolada laga soo galo Xabsiga.

Warar lagu kalsoonyahay oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in ciidanka dhamaantood la badalay lana keenay kuwa kale oo ka tirsan Asluubta.