Xog dheeri ah oo laga helay kulankii dhex-maray R/W Rooble iyo taliyaha NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Eng Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kulan gaar ah xarunta Habar-Khadiijo kula qaatay taliyaha ciidamada NISA ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo sidoo kale saameen culus ku dhax leh siyaasadda Soomaaliya.

Kulanka ayaa ahaa mid uu dalbaday Fahad Yaasiin, maadaama labada mas’uul uusan dhex marin wax kulan ah oo rasmi ah tan iyo intii la magacaabay Rooble, waxayna ka wada hadleen xaaladda guud ee dalka

Arrimaha laga hadlay waxaa ka mid ahaa xaaladda Soomaaliya ee doorashada, khilaafka dowladda iyo siyaasiinta mucaaradka ah, arrimaha gobalka Gedo iyo qatarta Al-shabaab.

Kulanka waxaa goob joog ahaa Cabdullaahi Kulane oo ah ku xigeenka Fahad Yaasiin waxa uuna warbixin ka bixiyay xaaladda gobalka Gedo ee dhaq dhaqaaqyada ciidan, arrimaha Xuduud Kenya iyo Soomaaliya iyo arrimo kale.

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in dhinaca Ra’iisul wasaaraha aysan jirin wax kulanka kala qeyb galay oo dhankiisa ah.

Fahad Yaasiin ayaa Ra’iisul wasaaraha kala hadlay arrimaha siyaasadda Soomaaliya iyo midda doorashada. Sidoo kale arrimaha mucaaradka iyo qorshaha uga dagsan siyaasadda dowladda ayaa qeyb ka ahaa waxyaabihii laga wada hadlay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa intii uu ku sugnaa goobta qaatay go’aanada qaar ee shirka halka qaar kalane la sheegay inuu sheegay in guddi uu saari doono.

Ujeedada kulanka ayaa ahaa is faham iyo wadashaqeyn iyo in dhinacyada iska warqabaan xiliyada la qaadanayo go’aanada waa weyn ee siyaasadda iyo amaanka maadaama Fahad Yaasiin uu qeyb ka yahay shaqsiyaadka ugu saameenta badan siyaasadda dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.