R/W Rooble oo soo saaray farriin ku socota shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa farriin uu xafiiskiisa soo diray ugu baaqay bulshada Soomaliyeed in la garab istaago dadka nugul ee qaba xanuunka dhimirka.

“Sanad walba marka la gaaro 10 -Oktoobar waxaa adduunka oo dhan laga xusaa maalinta xanuunka dhimirka, waxayna Xukuumadda Federaalka Soomaaliya xoogga saari doontaa wax ka qabashada dadka qaba xanuunka ee sii kordhaya,” ayuu yiri ra’iisul wasaare.

“Kumannaan bulshadeenna ka mid ah ayaa la nool xanuunnada dhimirka, kuwaas oo inooga baahan daryeel iyo damqasho gaar ah. Waxaan xil gaar ah iska saareynaa daryeelka dadkeenna dhimirka ka xanuunsan iyo u helista xarumo lagu daryeelo.”

Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku boorrinayay dadka Soomaaliyeed in loo turo oo si dabacsan loola dhaqmo dadkeenna la nool xanuunnada dhimirka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta la kulmay Dr. Cabdiraxmaan Cali Cawaale (Xabeeb) oo si gaar ah uga shaqeeya daryeelka qeyb ka mid ah bulshadeenna oo aad ula ildaran xanuunkan, kaasi oo uu Ra’iisul Wasaaruhu kala sheekeystay, ugana mahadceliyay howsha adag ee uu hayo ummadda Soomaaliyeed.