Kenya oo warqad digniin iyo hanjabaad dagaal ah usoo dirtay dowladda Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa qoraal diginin iyo hanjabaad ah usoo dirtay dowladda federaalka Soomaaliya, sida uu shaaciyey wargeyska African Intelligence.

Wargeyska ayaa sheegay in 2-dii October ay wasiirka arrimaha dibedda Kenya Raychelle Omamo ay qoraalka ay u dirtay dhiggeeda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad uga digtay in ciidamada Kenya ay rasaas la beegsan doonaan kuwa Soomaaliya, haddii mar kale ay rabsho ka dhacdo xuduudda labada dal.

Qoraalkan ayaa ka dambeeyey kadib markii xiisadda labada dhinac ay sare uga kacday xuduudda daba-yaaqadii September, markaasi oo iska hor-imaad kooban uu xuduudda ka dhacay, kaasi oo ay ku lug lahaayeen ciidamada labada dal.

Ciidamada Kenya ayaa sidoo kale shacab Soomaaliyeed ka afduubtay gobolka Gedo, taasi oo dhalisay carro xooggan.

Wargeyska Africa Intelligence ayaa sheegay in safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo uu arrintan marka hore kala hadlay xukuumadda Soomaaliya, hase yeeshee kadib ay wasiir Omamo ay si toos ah dhiggeeda ugu sheegtay in ciidanka Kenya aysan mar dambe celin doonin rasaastooda.

Warqaddan ayaa sida wargeyska uu sheegay la diray kadib kulan ay yeesheen Golaha Amniga Qaranka, oo uu guddoominayey madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Kulankaas ayaa sidoo kale taliyaha Uhuru wuxuu ku amray ciidamada Kenya Robert Kibachi inuu Soomaaliya u caddeeyo in Kenya ay ka go’an tahay inay tallaabo qaado, haddii rabsho kale ay ka dhacdo xuduudda.

Kibachi ayaa kadib qaaday tallaabooyin lagu xoojinayo ciidamada Kenya ee jooga xuduudda Soomaaliya, sida warbixinta wargeyska ay tiri.

Caasimada Online oo xiriir la sameysay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, si ay wax uga weydiiso warqaddan, waa ay ka gaabsadeen inay ka jawaabaan.

Hanjabaadda Kenya ayaa imaneysa ayada oo horey uga carreysneyd in dowladda Soomaaliya ay joojisay qaadkii ka iman jiray dalkaas, taasi oo ay sii dheer tahay xiisadda ka dhalatay sheegashada Kenya ee badda Soomaaliya.