Xog: Xiisadda DF iyo Axmed Madoobe oo ka dartay iyo VILLA SOMALIA oo ku adkeysaneysa qorshaheeda

Kismaayo (Caasimada Online) – Xiisad cusub oo dib u dhigi karta in doorashada dalka ay waqtigeeda ku qabsoonto ayaa ka dhex taagan madaxweynaha Jubaland Axmed Madobe iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Xiisaddan ayaa salka ku haysa ciidamada dowladda federaalka ee jooga gobolka Gedo, oo Axmed Madoobe uu dalbaday in laga saaro, haddii kale aanay doorasho halkaas ka dhici karin.

Si kastaba dowladda federaalka ah ayaan diyaar u ahayn inay aqbasho shuruudda Axmed Madoobe, taasi oo cakireysa xaaladda, islamarkaana keeneysa is-mari waa aan la ogeyn halka uu ku dhammaan doono.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sharci-darro u arka maamulka dowladda federaalka ay taageerto ee Garbahaarey, oo uu sheegay inaysan marnaba maamuli karin hanaanka doorashada xildhibaanada

Garbahaarey ayaa waxaa loo asteeyey in lagu doorto 16 ka mid ah 43-ka kursi ee baarlamanka federaalka ee ka imanaya Jubaland, ayada oo 27-ka kale lagu dooranayo magaalada Kismaayo.

“Sababta marka horeba 16 kursi loo geeyey Garbahaarey ayaa ah in Axmed Madoobe uusan gacanta ku wada dhigin 43-ka kursi ee Jubaland, marka marnaba ma dhici karto in dowladda ay ciidankeeda halkaas ka qaado oo isaga uu maamulo doorashada halkaas,” ayuu yiri mas’uul ka tirsan Villa Somalia oo codsaday inaan la magacaabin.

Doodda Axmed Madoobe ee Gedo ayaa taagneyd xitaa ka hor inta aan la gaarin heshiiska doorashada, waxaana lagu xaliyey in dowladda federaalka ay mabda’ ahaan aqbashay in ciidamada laga saaro Gedo, hase yeeshee taas hadda ma muuqata mid dhaboobeysa.

Haddii xiisadda aan xal loo helin waxay keeni kartaa in doorashada ay dib u dhacdo, ama ugu yaraan 27-ka kursi ee ka imanaya Kismaayo ay dib u dhacaan. Waxaa iyana suurta-gal ah in Puntland oo mar walba garab u ah Jubaland ay la safato Axmed Madoobe, dibna u dhigto doorashada.

Hase yeeshee su’aasha is-weydiinta mudan ayaa ah; maxay tahay danta ku jirta dib u dhacaas, maadaama ay waqti dheeri ah siineyso madaxweyne Farmaajo, taasi oo muddo ay ka qeylinayeen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.