Sawirro: Rooble oo booliska faray in xal deg-deg loo helo arrimo ka taagan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeeray xarunta taliska guud ee ciidanka booliika Soomaaliyeed, waxuuna halkaas kulan kula qaatay saraakiisha iyo hoggaanada taliska.

Ra’iisul wasaare Rooble oo socdaalkan uu u ahaa kii ugu horeeyay ee taliska uu ku tegay inta uu xafiiska joogay ayaa ku booriyay hoggaanada ciidanka inay dardar-geliyaan howlaha lagu sugayo ammaanka guud ee magaalada Muqdisho iyo deegaannada kale ee dalka.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa kula dardaarmay saraakiisha booliiska Soomaaliya ee uu maanta la kulmay in kor loo qaado sugidda amniga dalka, si shacabka Soomaaliyeed ay ku helaan ammaan buuxa, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.

“Waa in qofku amni ku helo gurigiisa, isagoo kalsooni u qaba ciidanka Booliska. Si aad taasi u suuro-gelisaan dowladdu waxay idin la garab taagan tahay wixii taageero ah ee aad u baahan tihiin,” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul wasaaraha ayaa faray saraakiisha ciidanka in xal loo helo dambiyada ay ka mid yihiin, dhaca, dilalka iyo kufsiga haweenka ee kooxaha burcada ah ay u geysanayaan bulshada kuwooda nugul ee ka jira caasimada

Ra”iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeer ku sameeyey qeybaha kala duwan ee taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.