Xog: Waare oo ay xaaladu ku xuntahay iyo laba sabab oo uu ku diiday guddigii uu magacaabay

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa 29-kii bishii 8-aad ee sanadkaan magacaabay Guddiga Farsamada ee soo xulista baarlamaanka 2-aad HirShabeelle, guddigaas oo ka kooban 11-xubnood oo dhamaantood rag ah.

Guddigan oo shaqa galay muddo kadib ayaa jadwalkii ay soo saareen waxaa ka soo horjeestay Madaxweynihii magacaabay isagoo sidoo kale duray qaab dhismeedka Guddiga.

Dad badan ayaa is weydiiyay haddii uu gudigaan qalad ka jiro maxaa loo xalin waayay muddadii ay fadhiyeen? Muxuu Madaxweyne Waare ku qoomay guddigii uu magacaabay? Iyo su’aalo kale.

Caasimada Online oo la hadashay dad badan oo xog ogaal ah ayaa ogaatay laba arrin oo keentay in Waare ka laabto qorshihiisii guddiga soo xulista baarlamaanka 2-aad ee HirShabeelle.

1) – Madaxweyne Waare ayaa la sheegay in markii uu magacaabayay Guddigaan uu heshiis la galay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle, kaasi oo ahaa in uu soo saaro Cali Guudlaawe oo u tartamaya Madaxweynaha xiga ee HirShabeelle.

2) – Iyo in isaga la siin doono lacag iyo in lagu dari doono wakiilada dowladda Soomaaliya ku matala UN, AU, IGAD  ama hay’ado kale oo caalami ah midkood.

Madaxweyne Waare oo heshiiskaan raali ku ahaa ayaa hadda isbadalay kadib markii ay cadaadis saareen Beesha uu ka soo jeedo oo diidan in ay Madaxweyne noqoto qof aan ka soo jeedin Beesha iyo sidoo kale isagoon wali helin waxyaabihii kale ee loo balan qaaday.

Iyadoo laga faa’ideysanayo magacaabistiisa Guddiga ayaa sidoo kale todobaadkaan la shiriyay xubnaha baarlamaanka ee ka soo jeeda HirShabeelle kuwaas oo ku jira dowladda Soomaaliya, waxayna taageereen guddigaan iyagoo sidoo kale sheegay in muwaadin kasta oo reer HirShabeelle kasoo jeeda uu qaban karo xilka Madaxweynaha.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed oo shalay gaaray Jowhar ayaa maanta kormeeray guddiga oo shaqadiisa watay taas oo ka dhigan in ay socon weysay is hortaagii Madaxweyne Waare.

Waxaan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto xaaladda HirShabeelle oo hadda ku jirta waqti kala guur ah, iyadoo sidoo kalane ay jiraan tabashooyin badan oo ay qabaan beelaha iyo dhaqanka qaarkood.