Laba dhallinyaro ah oo ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay Nugaal

Garowe (Caasimadda Online) – Laba qofood ayaa ku geeriyootay inta la xaqiijiyay shil baabuur oo ka dhacay nawaaxiga tuulada Sinujiif ee dhacda gobolka Nugaal.

Gaarigaan oo nuuca raaxada ah ayaan la ogeyn sababta ka dambeysa inuu rogmado, waxaana kaliya saarnaa labada qofood ee ku geeriyootay.

Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Puntland shilka wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Dangoronyo iyo Garowe.

Magacyada labada dhalinyarada ah ee ku geeriyooday shilka waxaa lagu sheegay Maxamed Cali Xasan iyo Maxamed Qude, waxaana burburay gaarigii ay la socdeen.

Inta badan shilalka ka dhaca deegaanada Puntland waxaa loo aaneeyaa burburka wadooyinka iyo sidoo kale in wadayaasha ay xawaare dheer isticmaalaan taasoo halis galin karta naftooda.