XOG Dilkii Saciid Adoon oo qarka u saaran inuu kala geeyo Deni iyo A/Madoobe

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si kulul uga hadlay dilkii Allah ha u naxariistee ganacsade Saciid Xaaji Abdi oo caan ku ahaa magaca Saciid Adoon, kaas oo laba habeen ka hor lagu dilay Kismaayo.

Sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online, Madaxweyne Deni ayaa telephone kula hadlay dhiggiisa Jubbaland Axmed Madoobe waxa uuna ka dalbaday in maamulkiisa uu soo cadeeyo dadkii ka dambeeyay dilka Saciid Adoon isagoo cuksaday in intii uu joogay Kismaayo uu mar galay garta Axmed Madoobe iyo Saciid Adoon.

“Saciid Adoon intii aan joogay Kismaayo aniga ayaa xaliyay khilaaf idin dhaxeeyay maxaa bixitaankayga ku soo beegay dilkiisa, waxaan u baahanahay cadeymo muujinaya kiiskaan cidda ka dambeysay iyo cadaalada in la waafajiyo” ayuu yiri Saciid Deni sida ay noo sheegeen masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka Puntland.

Marxuum Saciid Xaaji Cabdi “Adoon” waxa uu qaraabo dhow la ahaa madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waxa uuna intii uu joogay Kismaayo u sameeyay casho sharaf isagoo u sheegay in Axmed Madoobe uu ku leeyahay lacag dhowr boqol oo kun oo dollar ah, taas oo sababtay in Axmed Madoobe uu ka caroodo maadama uusan rabin in eedeyntiisa ay gaarto meel ka baxsan Jubbaland.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Axmed Madoobe ka dalbaday baaritaan rasmi ah, waxaana suurta-gal ah inuu uu joojiyo taageeradiisa Axmed Madoobe isagoo sabab uga dhigaya dad badan oo hayb ahaan ka soo jeeda Puntland, kuwaas oo sababo siyaasadeed loogu dilay Kismaayo.

Dadka ka soo jeeda Puntland ee lagu dilay Kismaayo waxaa kamid ah Ganacsade Saciid Adoon iyo Abuukaate Qalyar kuwaas oo la aaminsan yahay in ay sababsadeen muranka siyaasadeed oo ka taagan Jubbaland.

Ma jiraan wax caddeymo ah oo muujinaya in Axmed Madoobe ku lug leeyahay dilkan. Waxaa sidoo kale suurta-gal ah in dilka ay fuliyeen dad doonaya inay xiisad ka dhex abuuraan Puntland iyo Jubaland.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
caasimada@live.com