Xog: Diyaarad ka kacday Muqdisho oo loo diiday inay ka degto gobolka GEDO?

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad rakaab ah oo ka kacday garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa shalay loo diiday ina ka degto laba garoon diyaaradeed oo ku yaalla gobolka Gedo, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Xogtan ayaa waxaa Caasimada Online u xaqiijiyey xubno ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo codsaday inaan la magacaabin iyo mas’uuliyiin ku sugan gobolka Gedo.

Diyaaradda oo siday 30 qof oo rakaab ah ayaa ku guuldarreysatay inay ka degto garoomada Doolow iyo Luuq ee gobolka Gedo oo labadaba ay isku dayday, ayada oo sababta lagu sheegay arrimo xiriir la leh siyaasad.

Ilo-wareedyada la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in sababta diyaaradda looga hor-istaagay inay degto ay aheyd inuu saarnaa Maxamed Cabdullaahi Gardhuub oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Gedo. 

Garduub ayaa ahaan jiray guddoomiyaha degmada Luuq ee garabka Jubaland, waxaana xilkaas laga qaaday 13-kii December 2013 kadib wareegto kasoo baxday madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud Luga-Dheere. 

Illaa iyo hadda ma cadda sababta loo diidan yahay in Guurdhuub uu tago gobolka Gedo, waxaana xubnihii aan la hadalnay ay ka gaabsadeen inay faah-faahin ka bixiyaan.  

Diyaaradda iyo 30-kii rakaabka ah ee saarnaa ayaa isla shalay dib ugu soo laabtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xubno ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa sheegay in hadda ay hay’addu waddo baaritaan la xiriira dhacdadan oo halis gelin gaartay nolosha 30-ka qof ee rayidka iyo shaqaalihii saarnaa diyaaradda. 

Gobolka Gedo ayaa waxaa intiisa badan gacanta ku haya mas’uuliyiin diidan maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe, kuna xiran madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo isna gobolka kasoo jeeda.