Xog: Dollar been abuur ah oo lasoo geliyey Muqdisho si loogu iibsado xildhibaanada

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho lasoo geliyay lacago dollar been abuur ah, taasoo la rabo in loo adeegsado ololaha doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Doorashada madaxweynaha oo ku asteysan inay dhacayso 15-ka May ayaa murashaxiintanta waxay olole xooggan ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen cododka xildhibaanada oo lagu kala iibsado qiime lacageed oo aad u sarreeya.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo qaarkood la shaqeeya musharaxiinta madaxweyne ayaa Caasimada Online u sheegay in xogta lacagta dollar-ka been abuurka laga helayo ilo amnio o u sheegay in loo adeegsan rabo xildhibaanada laaluushka qaadanaya.

Caasimada Online oo arrintaan dabagal ku sameysay ayaa ogaatay mid ka mid ah murashaxiinta madaxweynaha uu u adeegsan doono xildhibaanada codkooda iibsanaaya inuu ku khaarijiyo si codka ugu helo.

Waxaa suuragal ah in lacagta been abuurka ah la adeegsado saacadaha danbe ee doorashada, gaar ahaan habeenka ka horeeya maalinka doorashada, xiligaasi oo ah waqti saxmad badan oo isbarbar yaac badan uu jiro, ayna adag tahay in lacagta la xaqiijiyo sax ahaanshaheeda.

Guddiga doorashada madaxweynaha ee baarlamaanka iyo kan heer qaran, ma soo saarin xeer iyo sharci xaaraantinameynaayo lacagaha laaluushka ee xildhibaanada qaadanayaan, taasi oo mar kasta dhacda islamarkaana caadi noqotay.

Xildhibaanada Soomaaliyeed ayaa dhaqan u ah inay codkooda ka iibsadaan murashaxa u tartamaya hoggaanka dalka, halka murashaxa naftiisa kalsoonida uu qabo ay tahay lacagta faraha badan ee xildhibaanada uu siinaayo, balse waxaa inta badan dhacda in murashaxiin badan lacag laga qaato codkana aan la siin. 

Xildhibaanada qaarkood ayaa qorsheynaya inay dalbadaan in lacagta loogu soo shubo akoono banki, balse taas ma cadda inay ogolaan doonaan musharaxiinta madaxweyne, maadaama lacagtaas ay yeelan karto raadraac. 

Ololaha doorashada ayaa si rasmi ah hadda u socda, balse ma jiraan musharaxiin weli bixinaya kharash badan marka laga reebo Xasan Cali Kheyre, oo boqolaal kun oo dollar toddobaadyadii tegay ku bixiyey inuu ku iibsado TV-yada Soomaalida iyo dadka caanka ka ah baraha bulshada si ay u ammaanaan. 

Wuxuu sidoo kale xaflado badan ku qabtay hoteellada ugu qaalisan Muqdisho, si dhallinyaro uu isku keenay ay u taageeraan.

Si kastaba, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in rajo badan uusan lahayn Kheyre, ayada oo la qiyaasay inuu heli karo 20-25 xildhibaan wareeggan koowaad ee doorashada.