Xog: Dood uu caawa ka qayb gali rabay Kheyre oo xaalado soo kordhay loo baajiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow la baajiyay barnaamij Dood ah uu ka qayb geli lahaa Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre, taas oo ka dhaci laheyd Hotel ku yaala magaalada Muqdisho oo lagu magaaco Royal Place.

Barnaamijkaan ayaa galabta ka dhaci lahaa Hotelka Royal Place waxa uuna toos uga bixi lahaa ilaa 6 TV, iyadoo ay ka qayb geli lahaayeen tobaneeyo dhalinyaro ah oo ay soo diyaariyeen Koox ka tirsan Xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya.

Magaca barnaamijka ayaa ahaa Dood Furan, waxaana doorka lagu saari lahaa sida ay dhalinyarada uga qayb qaadan karaan horumarinta dalka iyo dhismaha dowladnimada. Sidoo kale doorka dhalinyarada ee Nabadda iyo Xasiloonida ayaa looga hadli lahaa Dooda baaqatay.

Sababta ay dooda u baaqatay ayaa lagu sheegay xaaladda magaalada Muqdisho oo maanta ilaa caawa aad u qasan kadib markii ay banaanbaxyo ay dalka ka dhaceen iyo Qaraxii saakay ka dhacay degmada Warta-Nabadda ee Gobalka Banaadir.

La taliyeyaasha Raysal Wasaaraha Soomaaliya ayaa saacadihii u dambeeyay ku dhawaaqay in dooda dib loo dhigay, sababo ku aadan xaalado soo kordhay oo dhanka amaanka ah iyo tabashada Ardayda.

Mas’uuliyiinta ku taliyay in la baajiyo barnaamijkaan ayaa u arkay in maanta aan laga hadli karin mustaqablka dhalinyarada, maadaama ay dowladda ku fashilantay imtixaanka dugsiyada sare, caradii ka dhalatayna ay kala dul dhacday Ardayda Soomaaliyeed halkii ay aheyd in dowladda ay isla xisaabtanto.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhax mushaaxaysa Ceeb iyo Sumcad xumo ay ka dhaxashay imtixaanka dugsiyada sare ee dalka kadib markii keydin waysay xogta imtixaanka, oo suuqyada laga helay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com