Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Dugsiga Tababarka Booliska ee School Polizio oo horey loo qorsheeyay in lagu qabto doorashada Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in Xaruntaasi laga weeciyay.
Warar madax bannaan, ayaa sheegaya in dhisme ku yaala inta u dhaxeyso Garoonka Aadan Cadde iyo Xaruntii Ciidamada Cirka ee Afisyoone la’isku afgartay in lagu qabto doorashada Madaxweynaha.
Waxaa la leeyahay waxay tani ka dambeysay markii ay musharaxiinta mucaaradka codsadeen in School Polizio laga bedelo goobta doorashada, iyadoo beesha caalamkuna taageertay.
Musharaxiinta mucaaradka, ayaa dareen ka muujiyay in Villa Somalia ay musuq maasuq ku kacdo, haddii tartanka doorashada madaxtinimada dalka lagu qabto Dhismaha School Polizio.
Dhismaha hadda leesku raacay in lagu qabto doorashada, ayaa waxaa wadooyinka soo gala iyo gudahiisuba ku xiran kaamirooyin casir ah, iyadoona si hufan loogala socon karo dhaqdhaqaaqa doorashada.
Doorashadii uu afar sano ka hor ku soo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa xilligaa lagu qabtay Xarunta School Polizio.
Arbacada ina soo aadan oo taariikhduna ay ku beegan tahay February 8, 2017, ayaa waxaa lagu wadaa in Somaliya ay yeelato madaxweyne.
Isha: Dhacdo.com