Xog: Dowlada oo billowday qorshe xal loogu raadinayo khilaafka Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Xukuumada Somalia ay bilowday wada-xaajood ay xal ugu raadineyso Khilaaf Siyaasadeedka kala dhexeeya Dowlada Imaaraadka Carabta.

Wararku waxa ay sheegayaan in wada-hadalka ay bilowday Wasarada Arrimaha Dibadda Xukuumada Somalia oo iyadu ku shaqo leh howlaha dibadda ee khuseeya Somalia.

Xiriirka lagu doonaayo in lagu xaliyo Khilaaf Siyaasadeedka oo markiisa hore ka imaaday dhanka Dowlada Imaaraadka ayaa waxaa la xaqiijiyay in iminka uu maraayo bilow.

Wada-hadalka ayaa si toosa ugu dhexeeya Wasaaradaha arrimaha Dibadda Somalia iyo Imaaraadka, waxaana jira warar hordhac ah oo sheegaya in leysku fahmi la’yahay qodobo dhowr ah oo ku-xeeran madax-banaanida Somalia.

Qodobada ay difaacaneyso Wasaarada Arrimaha Dibadda ayaa waxaa kamid ah in Somalia looga danbeeyo wixii khuseeya masiirka dalkeeda iyo in la kala qaado caawinaada iyo faragalinta joogtada ah.

Qodobada ay difaacaneyso Somalia ayaa waxaa sidoo kale kamid ah inaanu Imaaraadka gali Karin Heshiis aan soo marin Dowlada Somalia iyo in Dowlada dib loo hoos keeno dhammaan Heshiisyadii uu Imaaraadka la galay Maamul Goboleedyada ka jira dalka.

Wasiirka Arimaha Dibada Dowladda Soomaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa dhawaan sheegay in Dowlada Somalia ay xal u raadineyso Khilaafka kala dhexeeya Imaaraadka, waxa uuna cod dheer ku sheegay inaanu xirneyn Heshiis.

Docda kale, waxa uu sheegay in Imaaraadka laga doonaayo keliya inay u hogaansamaan wixii ku aadan Maslaxada Qaranka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com