Xog: Dowladda oo qaaday tallaabo aargudasho oo ka dhan ah Jeneraal Indha Cade

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiillagu kalsoon yahay, taliska ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa mushaarka ka joojiyay Jeneraal Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaasad Indha-Cade oo kamid ah xubnihii hogaaminayay ciidankii Badbaado Qaran. 

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in ugu yaraan 3 bilood uusan wax mushaar ah qaadan Jeneraal Indha-cade iyo ciidanka la socda, waxaana durba billowday kulamo arrintaan ku saabsan. 

Ilo wareedyo kala duwan ayaa Caasimada Online u sheegay in sababta Jenaraal Indha-cade iyo ciidankiisa musshaarka looga joojiyay ay la xariirto diidmadii muddo korarsiga, waxaana sidoo kale mushaarka laga joojiyay ciidamo badan oo ka tirsan ilaalada Jeneraalka iyo ciidan ka tirsanaa militariga balse markii ay xiisadda billaabatay kusoo biiray ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Arrintaan ayaa dhaawaceysa heshiiskii ay gaareen guddi ka socday ciidamadii Badbaado Qaran iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo dhigayey inaan laga aargudan karin ciidankii diiday muddo kororsiga.

Ciidamadii diidanaa muddo korarsiga kama wada sinna mushaar joojinta, hase waxaa laga joojiyay qeyb yar oo ciidankaas ka tirsan, kuwaasoo markii hore qaadan jiray. 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la filayo inuu ilaaliyo dhinaca dowladda ee heshiiska ayaa u muuqda inuu ku guul-darreystay, waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan in awoodda uu ku dhex leeyahay dowladda ay ka yar tahay sida loo maleeeyo, islamarkaana go’aanada badankood ay ka go’aan Farmaajo.