Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah howlwadeenada Xafiiska Madxaweynaha Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoga uu shuruud ku imaanayo magaalada Muqdisho.
Waxa uu mas’uulkaasi sheegay in shuruuda imaanshiyaha Erdogan ay tahay inaanu ilaalintiisa ka qeybqaadan karin Saraakiisha iyo Ciidamada AMISOM ka jooga magaalada Muqdisho.
Erdogan ayaa Xassan Sheekh iyo Maamulka Safaarada Turkiga ee Somalia ku wargaliyay in amaankiisa ay sugi karaan keliya Ciidamada Turkida iyo kuwa Somalia.
”Laba warqad oo ka kala imaaday Xafiiska Erdogan iyo Safaarada Turkiga ee Muqdisho, ayaa waxaa Villa Somalia looga dalbaday in soo dhaweynta Erdogan aanu qeyb ka noqon karin Saraakiisha AMISOM iyo Ciidamadooda”
”Madaxweynaha dalabkaasi dabcan wuu aqbalay amaanka Erdogan waxaa hadda haya ciidamada turkiga iyo kuwa Soomaalida ah”
Dhanka kale, Dowlada Somalia oo ka duuleysa dalabka Erdogan ayaa waxa ay amaanka Madaxweynahaasi u xil saartay inkabadan ciidamo Laba Boqol oo Somalia ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

