Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Dowlada Itoobiya ay mar kale fara-gelin ku billowday golaha wasiirada cusub ee DF loo dhisayo, kadib markii la kla diray xukuumaddii hore.
Itoobiya ayaa la sheegayaa in qaska iyo Faragalinta umuuraha Xukuumada Soomaaliya ay u adeegsaneyso shaqsiyaad ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya kuwaasi oo saaxiib la ah, ayna ka mid yihiin Faarax C/qaadir iyo Sambaloolshe.
Dowlada Itoobiya oo dhowr jiho ka baadi goobeyso hanashada gabi ahaan Siyaasada dalka, ayaa waxa ay hada u muuqaneysaa inay sii laba jibaareyso awoodeeda ay ku dhex leedahay Siyaasada dalka, tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Wararka waxa ay sheegayaa in Ethiopia ay isku dayeyso inay kala fur-furto xldhibaanada baarlamanka, si ay ugu suurto gasho in wasiiradii la diiday, oo saaxib dhow la ahaa dib loo soo celiyo.
Sidoo kale, Dowlada Itoobiya ayaa waxa ay gacanta ku heysaa inta badan Gobolada dalka Soomaaliya, waxaana xigay faragalinta Xukuumada cusub oo ay xooga ku saareyso inay ku dhex yeelato wasiiro iyo wasiiro ku xigeenada ugu badan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

