Xog: Xasan Sheekh oo siyaasad cusub la dheelaya R/W CCC iyo baarlamaanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan DF Somalia, ayaa sheegay in Madaxweynaha uu damacsan yahay Siyaasad cusub uu uga guuleysanayo R/W CCC iyo Xildhibaanada BF Somalia.

Ilo wareedyo la hadlay Caasimada Online ayaa xaqiijiyay in Xassan Sheekh uu wado Qorsho uu kula imaanayo Wasiiro cusub oo la filaayo in lagu soo daro Xukuumada cusub, kuwaasi oo la sheegay inay yihiin qurba-joog, balse kamid ah Dam-Jadiid, maadama Xildhibaanada ay kasoo horjeesteen Wasiiradii hore.

Sidoo kale, Ilo wareedka ayaa sheegay in Madaxweynaha uu inta badan Saaxiibadiisa ku bedeli doono Siyaasiyiintaasi qurba-joogta ah, ee saaxiibka dhow la ah, waxaana la aaminsan yahay in taasi aysan waxba ka duwanaan doonin kuwa iminka la diidan yahay.

Qorshahaani ayaa waxaa isla wada Madaxweyne Xassan, Faarax C/qaadir, Saraakiisha Dam-Jadiid iyo Xildhibaano garab u ah Madaxweynaha.

Waxaan la saadaalin karin qaabka Siyaasadaani cusub ee uu dheelaayo Madaxweyne Xasan iyo wasiirada uu soo wado loo horgeyn lahaa Xildhibaanada BF, waxaana mar waliba suuragal ah in Xildhibaanada ay diidaan Mas’uul waliba oo Golaha Wasiirada kasoo gala dhanka Madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com