28.2 C
Mogadishu
Saturday, November 8, 2025

Xog: Ethiopia oo wada qorsho ay Hargeysa uga furaneyso goobo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Dowlada ethiopia ay wado qorsho ay magaalada Hargeysa uga furaneyso goobo ay ku cibaadeystaan muwaadiniintooda heysta diinta Kirishtanka ee ka shaqeysta Hargeysa iyo deegaanada kale ee ku xeeran.

Wakiilo ka socda Dowlada ethiopia, gaar ahaan qeybaha qaabilsan arrimaha la xiriira diimaha ayaa maamulka Somaliland kala xaajooday furista dhismahaasi lagu cibaadeysanaayo.

Maamulka Somaliland ayaa la sheegayaa in su’aal ay ka keentay halka laga furi karo dhismahaasi, inkastoo ay ethiopia dalbatay in indha indheynta halka laga furi lahaa xarunta loo xilsaaro guddi khubarro ah.

Wakiiladaasi ka socday Dowlada ethiopia ayaa ku dooday in magaalada Hargeysa iyo Degmooyinka kale ay ku noolyihiin ku dhawaad 2,ooo oo muwaadiniin ethiopian ah hayeeshee ay u baahan yihiin inay helaan goobo ay usoo cibaado doontaan.

Waxaa lasoo sheegayaa in Somaliland ay arrintaani aqbashay, balse muranka uu ka taagan yahay halka laga dhisaayo iyo qaabka looga hortagi lahaa hadii ay imaado amni darro.

Dhanka kale, labada dhinac ayaa isku afgartay in howshaani loo xilsaaro mas’uuliyiin labada dhinac ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News