Xog: Xiisad ka kacsan Cadaado iyo dagaal qaraar oo dhex maray…

Cadaado (Caasimada Online) – Wararkii ugu dameebayay ee naga soo gaaraya  magaalada Cadaado ayaa sheegaya in xaalada ay tahay xaatan mid degen kadib markii dagaal khasaaro geystay uu ka dhacay magaalada Cadaado.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay markii ciidamada maamulka Galmudug ay weerar ku qaadeen xarun ciidamada militariga dowlada oo mushaar loogu qeybinayay oo aheyd xerada Kafaalo ee magaalada Cadaado.

Ciidamada weerarka ku qaaday xarunta Kafaalo ayaa la sheegay iney diidanaayeen mushaar qeybinta loo sameeyay ciidamada dowlada Soomaaliya, maadaama iyaga wax mushaar ah aysan qaadan muddo badan.

Askar kamid ah ciidamada dagaalamay ayaa dhaawacyo ay soo gaareen kuwaasi oo la dhigay xarumaha caafimaadka ee magaalada Cadaado ee gobolka Mudug.

Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed ayaa lagu eedeynayaa inuusan bixin mushaarka ciidamada Galmudug oo muddo aan mushaar qaadan, waxaana haatan magaalada ka socdo dhexdhexaadinta dhinacyada maanta dagaalamay.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com