Xog-Warran: Musharaxiinta ku qabso ku qadi meyside (Q. 3-aad)

(Caasimada Online. Muqdisho) Ku soo dhawaada qormadii saddexaad ee musharixiinta KU QABSO KU QADI MEYSIDE. Maanta waxaan ku soo qaadaneynaa taariikh nololeedkii Cabdiraxman Cabdishakur Warsame iyo Dr. Bashiir Nuur Bidaar.

Waa kuma Cabdiraxmaan Cabdishakuur? Waxaa uu ku dhashay magaalada Jalalqsi ee gobolka HIiraan, sanaddii 1968-kii. Waxabarashadiisa waxa uu ka qaatay jaamacaadda International University of Africa ee dalka Sudan, sanaddii 1997. Waxa uu hadda haysataa dhalashada dalka UK.

5Marka aan eegno taariikhdiisa siyaasadeed. Waxaa uu ka soo noqday wasiir dowladdii Sheekh Shariif ee R/W uu ka ahaa Cumar Cabdirashiid. Cabdiraxman wuxuu ahaa ninkii Cumar Cabdirashiid kala qeyb qaatay iibsiga qeybo ka mid ah Badda Soomaaliya isagoo ka faa’iideysanayay Wasaaraddii uu ka hayay Xukuumaddii kowaad ee Dowladdii Shariif Sheekh Axmed ee ahayd Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga.

shakurCabdiraxmaan waxaa ku wehliyay arrintan badda oo kala macaashey siyaasiin ay ka mid ahaayeen Shariif Xasan Sheekh Aadan, Prof. C/raxmaan Ibbi iyo Prof. Maxamed Gaandi.

Markii labaad ayuu Cabdiraxman isku soo sharaxay jagada madaxweyne isagoo ka mid ahaa raggii isa soo sharaxay sanadidi 2012, balse saacadihii u danbeeyay ka tanaasulay musharaxnimadiisa.

shak1Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa bishan June 9, waxa uu Muqdisho ku daah furay xisbi siyaasadeed loogu magac daray Wadajir. Xisbigan, ayaa marka aad eegto midibada uu adeegsaday, waxa ay aad isugu ekyihiin xisbiga Tigreeda ee haya ka taliya dalka Itoobiya.

shak Illaa iyo hadda lama yaqaan, sababta ku kallifeysa Soomaali in aay isu ekeysiiyaan Xisbiga Tigreeda, mise waxaa jira qorshe hoose oo aanan dadka ogeyn walow ay garwadeeno ka yihiin xisbigan Kamal Guutaale iyo Nuur Diinaari oo saaxib dhow la ah General Gabre.

shak2Cabdiraxman Cabdishakuur waa shaqsi magac iyo taariikh aan wanaagsaneyn ay ka aaminsan yihiin ummada Soomaaliyeed sababo la xiriira arrinta badda Soomaaliya, oo uu ahaa ninkii murankeeda billaabay.

Waa Kuma Dr. Bashiir Nuur Bidaar? Waxaa uu ku dhashtay magaalada Muqdisho, Aabihii AUN waxaa uu ahaa madaxii waaxda Jinsiyada ee dowladdii Maxamed Siyaad Barre, wuxuuna ku beel yahay Siyaas Barre.

Dr. Bashiir waxaa uu yaraantiisii waxbarasho u yimid dalka Mareykanka halkaasoo ka qaatay shahaadada ugu sarreeysa ee PHD isagoo ka bartay cilmiga beeraha Jaamacadda Oregon State. Dr. Bashiir waxaa ka soo shaqeeyay ha’ayada badan sida IBM, waxaana uu imanka deggen yahay sida uu ku sheegay boggiisa facebook dalka Japan.

BashiirDr. Bashiir ayaa sidoo kale ka mid ahaa murashaxiintii 2012, isagoo markaa saacadihii ugu danbeeyay ka tanaasulay murashaxnimadiisa. Dr. Bashiir kama soo qaban wax jagooyin ah dowladda Soomaaliya, mana aha shaqsi si weyn uga dhex muuqda masraxa siyaasadda. Dr. Bashiir waa aqoon yahan, balse aanan la joogin waqtigiisii uu isa sharixi lahaa, maadaama shacabka aysan cod lahayn, oo siyaasadda dalku ku saleysan tahay musuq maasuq iyo lacag.

Qormada afaraad ee musharaxiinta KU QABSO KU QADI MEYSIDE, waxaan ku soo qaadan doonaa taariikh nololeedkii musharaxiinta kala ah. Faadumo Dhayib iyo Axmed Macallin Faqi, insha allah..

Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com