Xog: EU oo u jawaabtay Axmed Madoobe kadib hadalkii ahaa..

Muqdisho (Caasimada Online)-Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Somalia, Michele Cervone d’Urso, ayaa ka hor imaaday hadal uu maalmo un ka hor saxaafada ka sheegay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, kaasi oo ahaa in siyaasada uu ka fadhiisan doono goorta wakhtiga u harsan uu dhameysto.

Michele Cervone d’Urso, waxa uu sheegay in Somalia ay u baahan tahay siyaasiyiin u nugul siyaasada Somalia, waxa uuna tilmaamay in Axmed Madoobe uu kuwaasi qeyb ka yahay.

Michele Cervone d’Urso, waxa uu tilmaamay inay aad uga xun yihiin in madaxweynaha maamulka Jubbaland uu xiligaani ku dhiirado inuu isaga baxo siyaasada Somalia, taasi oo uu wakiilka sheegay inay tahay mid ka fakir u baahan, kadib markii uu carab dhabay in Somalia ay galeyso jawi cakiran oo siyaasada Somalia galinkara caburnaan iyo burbur marba hadii shaqsiyaadkii siyaasada fahmay ay ka fadhiistaan.

”Haddii ay dhacdo in Axmed Madoobe uu ka dhabeeyo inuu isaga baxo siyaasada Somalia, waxa ay ka dhignaaneysaa in Somalia ay gali doonto jawi indha xirnaansho ah, waayo Somalia kama bixi karto siyaasiyiin indha xiran inay la wareegan siyaasada somalia”

”Caalamku ma u suuragali doonto inay la dhaqmaan siyaasiyiin cusub oo ka duwan kuwa iminka ka taliya Gobolada, waa lama huraan in inta Somalia ay ka gudbeyso marxalada taagan ay sii jiraan kuwa hadda haya talada gobolada”

Michele Cervone d’Urso, waxa uu ka digay in mas’uuliyiinta hadda wax kasoo qabtay Somalia, ka baxaan siyaasada waxa uuna sabab uga dhigay in kuwa cusub ee imaan doona ay waxbadan oo kamid ah siyaasada Somalia qasi doonaan.

Haddalka Michele Cervone d’Urso, ayaa u muuqda mid ay Beesha Caalamka kaga soo horjeedo in Somalia ay ka hanaqaado halka ay iminka taagan tahay, bacdamaa kuwa hadda xilalka haya lagu sifeeyo inay yihiin kuwo dalka galshay gacan gumeysi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com