Guuleed oo ka dhex shaqeynaya Xasan Sheekh Axmed Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa wada hadal gaar la leh Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Wada hadalka labada mas’uul ayaa ku qotoma kalsooni u helida Musharaxa xilka Madaxweyninimo ahna Madxaweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Guuleed ayaa Axmed Madoobe kala hadlaaya sida Xildhibaanada cusub ee BF uga mid noqon doona Jubbaland u taageeri lahaayen Xassan Sheekh, waxa uuna Guuleed wadaa ballanqaadyo fulintooda la arki doono goorta uu Xassan Sheekh ku guuleysto doorashada soo socta.

Guuleed ayaa Madoobe usoo bandhigi doona heshiisyo uu wakiil uga yahay Xassan Sheekh taa oo hirgali doonta wixii ka danbeeya natiijada doorashada.

Guuleed ayaa doonaya in Xildhibaanada uu soo xulaayo Axmed Madoobe ay noqdaan kuwo codka siiya Xassan Sheekh, waxa uuna wada hadalkaani noqonayaa kii labaad oo dhexmari doono labada Madaxweyne maamul Goboleed.

Axmed Madoobe ayaan la ogeyn in wada hadalkaani uu ku raali noqon doono iyo in uu ka biyo diidi doono, walow uusan xiligaani la dhacsaneyn siyaasada Xassan Sheekh.

Dhanka kale, wada hadalkaani kalsoonida loogu raadinaayo Xassan Sheekh, ayaa waxaa ka qeyb noqon doona xubno ka tirsan madaxtooyada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.om