Afey oo ku jahwareersan Ethiopia & Kenya xili la qeybsaday Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Wakiilka IGAD u qaabilsan arrimaha Somalia Danjire Maxamed Cabdi Afey, ayaa lasoo warinayaa inuu ku jahwareersan yahay Siyaasada ay dheelayaan Dowladaha Ethiopia iyo Kenya kadib markii ay ka talaabeen tallooyinka IGAD.

Afey ayaa saacadihii ugu danbeeyay bilaabay ololo looga soo horjeedo danaha ay dowladaha Ethiopia iyo Kenya ka leeyihiin Somalia, waxa uuna ku dadaalayaa in labadaasi Dowladood ay faraha kala baxaan arrimaha Somalia inta ay ka dhaceyso doorashada dalka.

Ololaha Afey ee ka socda xarunta Xalane ayaa ah in Dowladaha Ethiopia iyo Kenya ay Somalia u madaxbaneeyaan Siyaasadeeda, waxa uuna cabashadaani gaarsiiyay ilaa wakiilada QM iyo EU ee ka howlgala Somalia.

Ololaha Afey ayaa yimid kadib markii Ethiopia iyo Kenya ay isku khilaafeen sida ay isaga horgeynayaan musharaxiinta Soomaalida.

Afey ayaa shaqsi ahaantiisa taageersan musharax Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, halka Dowladaha Ethiopia iyo Kenya ay kasoo horjeedan Mas’uulkaasi.

Dowladaha deriska la ah Somalia ayaa ololo xoogan ugu jira u kala eexashada Musharaxiinta u taagan doorashada 2016-ka, si ay usoo saaran Madaxweyne u sahli kara danahooda gaarka ah.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa kamid ah Musharaxiinta taageerada ka heysta Dowlada ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com