Ajaaniib xeebaha Kismaayo laga helay iyo arrin yaab leh oo ay….

Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in shan ruux oo ajaaniib ah laga helay xeebta magaalada Kismaayo, kuwaasi oo doonidii ay la socdeen la caarisay.

Saraakiisha ciidamada booliska ee Jubbaland ayaa sheegay in shanta ruux ee laga soo qaaday xeebta magaalada Kismaayo aysan wanaagsaneyn xaaladooda, waxaana la dhigay isbitaalka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Shanta ruux ee ajaaniibta ah ayaa la sheegay iney sheegteen iney u dhasheen jazeerada Comoros oo ay ka qalibantay doonidii ay la socdeen, waxaana xaaladooda caafimaad oo liidata owgeed lagu daweynayaa isbitaalka magaalada Kismaayo.

Shanta ruux oo qaarkood la hadlay booliska aya sheegay iney badmaaxiin yihiin, waxaana ay ku hadlayaan kaliya luqada Faransiiska, sida laamaha booliska ee Kismaayo ay sheegeen.

Saraakiisha ciidamada booliska ayaa sheegayaan iney baarayaan warka ay sheegeen shanta ruux ee ajaaniibta ah, kuwaasi oo u dhashay jazeerada Comoros.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com