Xog: Faarax Cabdul Qaadir oo 3 xil oo is-wata ka raba xukuumadda cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha madaxtooyada Somalia Faarax Cabdul Qaadir, ayaa ugu yaraan saddex xil oo is wata ka doonaya dowladda cusub ee uu soo dhisi doono ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed, ilo xog ogaal ah ayaa sidaas u sheegay Caasimada Online.

Faarax Cabdul Qaadir, ayaa doonaya inuu noqdo wasiirka qorsheynta qaranka, iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ah iyo sidoo kale ra’iisul wasaare ku xigeen, xukuumadda cusub ee lasoo dhisi doono.

Sida ay xubno ku sugan Villa Somalia u sheegeen Caasimada Online, wada-hadallo arrintaas ku saabsan ayaa hadda u socda madaxeyne Xasan, ra’iisul wasaare Cabdi Weli iyo Faarax Cabdul Qaadir.

Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, ayaa la sheegaya in labadaba ay ka caga jiidayaan dalabyada Faarax, oo ay u arkeen kuwo aan macquul ah, maadaama dowladda ay isku dayeyso inay xilal ku qanciso beelo badan.

Lama oga halka ay arrintan ku dambeyn doonto, balse Faarax Cabdul Qaadir ayaa ah saaxiibka koowaad ee madaxweynaha iyo ninkii ka dambeeyey magacaabista ra’iisul wasaare Cabdi Weli.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com